Todoba ka mid ah xiddigaha MCC oo looga yeeray xulka Qaranka Soomaaliya

Xiddigo qeyb ka ah kooxda Muqdisho City Club ayaa loogu wacay Xulka Qaranka Soomaaliya, iyaadoo qaarkood markii ugu horreysay ay nasiib u yeesheen inlooga yeeray xulka.

Kooxda Muqdisho City Club oo horay loo oran jiray Banaadir Sports Club ayaa ku lahaatay xulka qaranka Soomaaliya illaa Todoba ciyaaryahan oo boosas kala duwan ka ciyaara.

Waxaa lagu wadaa inay tababarka si rasmi ah dhowaan ula bilaabaan xulka Qaranka Soomaaliya, waxaa loo yeeray ciyaartoy badan oo kala duwan.

Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa sanadkan waxa uu ka qeyb galayaa tartammo kala duwan oo ka kala dhacay Bariga iyo Bartamaha Africa.

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa dadaallo ugu jira sidii uu xulku ku gaari lahaa guulo wax ku ool ah.

Haddaba halkaan hoose ka eeg todobada ciyaaryahan ee kooxda Muqdisho City Club ay sanadkan ku yeelatay xulka qaranka Soomaaliya & boosaska ay ka dheelaan:-

Baanuu Yare Cabdalle (Daafac)

Qeys Cabdulle Macallin Aadan (Weerar)

Ali Ýàre (khad Dhexe)

Hassan Saantos (khad Dhexe)

Ciise Cabdulqaadir ibraahim (Daafac)

Abuukar Cabdullaahi Siidow (Daafac)

Cabdiraxmaan Maaneey (Goolhaye)

Waxaa jiro xiddigo markii ugu horreysay looga yeeray xulka qaranka waxaana ka mid ah goolhayaha lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maaneey kaasoo shabaqada u ilaaliya kooxda Muqdisho City Club.

.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *