Natiijo- Mogadishu City Club Oo Guul Muhiim Ah Ka Gaartay Madbacada Qaranka

Kooxaha kubbadda cagta Madbacada Qaranka iyo Muqdisho City Club ayaa wada dheelay kulan ka tirsanaa horyaalka Somalia Premier League kol ciyaareedka 2018-2019.

Labada koox ayaa soo bandhigay ciyaar aad u saraysa waxaana qeybta 1aad lagu kala maray 2-1 oo ay hogaanka ku hayaan xidigaha Muqdisho City Club waxaanan u dhaliyay xidigaha kala ah Maxamed Kulul Jeynaa iyo Qeys Cabdulle Macalin Aadan .

Qeybta labaad kooxda Mogadishu City Club ayaa heshay fursado gool ah waxaana labo gool oo mid ahaa gool ku laad u dhaliyay xidiga reer Kenya #Marcel Odhaimbo waxayna ciyaarta kusoo dhamaatay 4-1 oo ay guusha ku qaateyn xidigaha kooxda dowladda hoose ee Mogadisho City.

“Waxaan ciyaarnay kulan adag iyo todobaad kale oo xiiso badan iminka kooxda aad ay iskula qabsatay kulamada inoo haray waxaan ku da’daalaynaa in aan sii wadano guulahan muhiimka”waxaa sidaas Goobjoog Sports ugu waramay Macalinka reer Uganda ee hogaamiyo kooxda Mogadishu City Club Hussein Mbalangu.

Muqdisho ayaa kulanka xiga waxay la ciyaari doontaa maalinta isniinta dhigeeda Elman oo ay isku dhibco yihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *