Naadiga Caasimada Muqdisho (“MCC”) Diyaar garow xoogan oo ay ugu jirto Tartanka CAF Confederation Cup

Naadiga Caasimada Muqdisho (“MCC”) Diyaar garow xoogan oo ay ugu jirto Tartanka CAF Confederation Cup oo aan la ciyaari doono Naadiga Malindi Sports Club Ee dalka Zanzibar.
MCC waxay ku guuleysatay Koobka Soomaaliya ee loo yaqaan ‘General Daa, uud Cup’ Sidaas ayayna oga qeyb galaysaa Isreeb reebka CAF Confederation Cup.
Naadiga Caasimada Muqdisho ayaa ka qeybgalaysa Tartanka CAF 29 Sannadood kadib, oo markii ugu dambeysay ay ka qeybgashay CAF Championship League 1989.
Naadiga ayaa ku dhawaaqday Tababar cusub oo ka yimid dalka Tunisia waxaan rajeyneynaa inaan guul ka keeno Tartanka CCCUP ee aan la ciyaari doono Naadiga MalindiSC ee ka dhisan dalka Zanzibar.
Gudoomiyaha naadiga Mr. Abuukar ayaa ka dhawaajiyay kalsooni ay ku qabaan in ay kakeenaan Guul Taariikhi ah tartamada Isreeb reebka Koobka CCCUP.
“Qeybta farsamada iyo ciyaartoyduba aad ayey udiyaar garooween, waxayna xooga saareen in la soo shaqa tagaan ciyaar wanaag oo u horseedi karta guulo taariikhi ah,
Waxaan dooneynaa inaan sare u qaadno kooxdeena si aan ugu tartano horyaalka Somali Premier League iyo Koobka qaarada labadaba, ”ayuu yiri Macalinka Naadiga Mohammed Mistiri Lamjed.
MCC, ayaa ku guuleysatay Koobka General Daa,uud kadib markii ay ku garaacday HorseedSC 4-3 rigoorayaal ka dib barbardhac waqtiga xeerka loogu talagalay in lagu guuleysto Koobka Soomaaliya taasina waxay noo horseeday inaan ku matalno oo aan ka qeyb galno Isreeb reebka Koobka CAF Confederation Cup.

Naadiga waxaa uu u safrayaa dhowaan dalka Zanzibar oo kusoo cayaari doono labada qeyb oo aan la cayaari doono Naadiga Malindi SC ee ka dhisan dalka Zanzibar Taariikhda ciyaarta 1aad ayaa lo qorsheeyey 11/8/2019 halka ciyaarta labaad 23/8/2018 insha allah, Safarka naadiga ayaan waxaa uu halkan ka safrayaa Taariikhda 7/8/2019

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *