MCC oo Guul Muhiim ka gaartay Heegan

Mogadishu City Club ayaa guul muhiim ah ka gaartay dhigeeda Heegan kadib markii ay 1-0 ugu awood sheegatay.
Goolka guusha waxaa Kooxda MCC u dhaliyay Weeraryahanka Kooxda Marcello Odianbo.

Kulanka galabta ayaa Ahaa mid aad ukulul qeybtii Hore Waxaa lagu kala Nastay 0-0

Markii Dib la iskugu soo Noqday Qeybtii Labaad ayaa kooxda MCC waxa ay garoonka lasoo gashay dardar waxa ayna heleen Fursado badan oo goolal looo filan karay.

Kooxda Mogadishu City Club ayaa qabatay hogaanka ciyaarta kadib markii ciyaaryahanka numberka 10-aad uu kubad lasoo dhex qaaday ciyaartoyda kooxda Heegan kadib qurux badan banaanka usoo dhigay Weeraryahanka Kooxda Marcello Odianbo kaasoo shabaqa ku hubsaday.
Kulanka oo sii dhamaanaya ayaa waxaa dhaacay soo gaaray Goolyaha Kooxda Mogadishu City Club Maaney kaasoo Xaalad halis galay, inkastoo dadaal dheer kadib ay soo hagaagtay xaaladiisa caafimaad Isla markaana dhameystay Ciyaarta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *