Marcelo oo Ku Guuleystay Xiddiga Bisha Kooxda MCC

Muqdisho City Clubl ayaa shaaca ka qaaday in Marcelo Odiambo loo magacaabay ciyaaryahanka bishii March ugu fiicnaa kooxda.

Xiddiga reer Kenya ayaa ku bilowday xilli ciyaareedkan si fiican, Marcelo ayaa ku hogaamiyo kooxdiisa guulo intii lagu jiray bishaasi Maarso.

Marcelo ayaa ku guulaystay abaal marinta Dhismo Group wuxuuna xidigan hantay abaal marinta laaciibkii ugu fiicnaa Kooxda MCC Bishii Marso Marcelo ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay abaalmarinta uu hantay.

Ciyaaryahanka reer Kenya ayaa ku riyaaqaya bilow wanaagsan ololaha cusub ee xili ciyaareedkaan, waxaana uu dhaliyay 5 gool bishaasi isagoo sidookale abuuray shan fursadood.

Marcelo Odiambo  ayaa Xili ciyaareedkan dhaliyay 8 gool sideedii ciyaar uu ciyaaray horyaalka xilli ciyaareedkan.

Player Of the Month

  • Hosni 03/04/2019 at 3:54 pm

    Waa arin Horumar ah in Qof walbo Dadaalkisa lagu abaal mariyo Hambalyo Marcello

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *