Malindi SC Vs MCC, Muqdisho City oo Heysata Fursad ay Wareega kale ugu soo Gudubto

Kooxda Mogadishu City Club ayaa kulan xiiso badan oo ka tirsan horyaalka CAF Confederation Cup 2019-2020 la leh Kooxda Malindi SC oo ka dhisan wadanka Zanzibar.

MCC ayaa ah kooxdii ugu horeysay ee ka socota Somalia oo ka qeybgasha Tartankan kaasoo 2004 loo bixiyay magacan CAF Confederation Cup , waxaana magicii hore la oran jiray  African Cup Winners’ Cup.

 

Kooxda Dowladda Hoose ayaa heysata Fursad fiican ay ugu soo gudubto wareega 32 ee Tartanka CAF Confederation Cup 2019-2020.

MCC ayaa Lugtii hore Kooxda Malindi SC la gashay barbaro goolal la’aan ah ciyaar ka dhacday garoonka Amani Stadium 12/8/2019.

Naadiga Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa u baahan kulanka Galabta inay Badiso ama Barbaro Goolal ah la gasho kooxda Malindi SC taasi u horseedi karta Kooxda MCC inay usoo gudubto Wareega Xiga ee Tartankan CAF Confederation Cup.

 

Ogeysiiska Kulanka
Tartanka- CAF Confederation Cup
Kooxaha-Malindi SC vs Mogadishu City Club
Tariikhda-24-08-2019
Maalinta-Sabti
Cimiladda 24° / 18°
Saacada Kulanka-4:00pm

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *