Hordhaca: Jeenyo Vs Muqdisho City

Wajiga Labaad ee Horyaalka Somali Premier League ayaa shalay si xiiso leh uga furmay garoonka Banadir Stadium, waxaana lagu wadaa in galabtana la ciyaari kulan kaloo aad u xiiso badan.

Kooxaha Jeenyo iyo Muqdisho City oo si weyn ugu dagaalama kubad cagta dalkeena soomaaliya ayaa galabta isku wajihi doona Banadir Stadium.

Labadaan kooxood waa kuwa ugu taageraha badan horyaalka Somali Premier League taasoo keenta in maalinta ay dhelayaan uu garoonka noqdo mid aad u xamaasadeysan.

Xogta aad u baahan tahay

>-Kooxaha ka dhisan degmada Warta Nabadda ayaa wada ciyaari doono galabta kullankoodii 18’aad taariikhda guud ahaan ciyaarahooda.

>-Kullankoodii ugu dambeeyay kooxahaan ay wada yeesheen ayaa kusoo dhammaaday 1-0 oo Guusha ay ku raacday Jeenyo

>- kullankaan ayaa loogu magac dartay Warta Nabadda Derby, mahadaama labada kooxood ay ka dhisan yihiin hal degmo.

>-Kooxaha ka dhisan halka degmo  ee MCC iyo Jeenyo ayaa galabta ciyaaraya kullankoodii 18’aad taariikhda tartan rasmi ah waxaana badis badan kooxda Jeenyo..

>-Kooxda MCC  ayaa badisay 8 kullan 18-kii ciyaar ay is arkeen halka Jeenyo ay adkaatay 7 ciyaar, waxa ayna bar baro ku kala tageen  saddex kullan.

OGEYSIIS CIYAARTA:

Horyaalka: Somali Premier League

Kulanka : Muqdisho City Vs Jeenyo

Garoonka : Banadir Stadium

Saacada 03:30.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *